Nidaamka guud ee TRON waxaa laga arkayaa soo noolaanshaha dhaqdhaqaaqa memecoinka, gaar ahaan suuqa loo yaqaan SunPump. xogo cusub ayaa muujinaya kor u kac aad u weyn oo ku yimid macaamiisha isticmaasha suuqan, taasoo calaamad u ah mowjad cusub oo xiiso u leh, matalayaasha kaftanka ee loo yaqaan meme’ska ee lagu dhisay TRON.
Sida laga soo xigtay Naadiga Satoshi, in ka badan 95,000 oo matalayaal ah ayaa ka soo baxay shabakaddan tan iyo bishii Ogosto. Isku darka macaamiisha ka ganacsida waxey hadda kor u dhaafeen 2.84 milyan. Kororkan degdegga ah ayaa kor u qaadaya rajada ah in xilligii TRON meme’koyn uu dib u soo laabtay lagana filan karo in matalayaal ka soo baxan cusub.
Dadka la ficil gala TRON ayana dib usoo labasho laga daremayaa iyadoo hantida ku jirta ay gaareyso manta $ 22.05 bilyan, taasoo ka tarjumeysa hoos u dhac 2.75% ah. Intaa waxaa dheer, nidaamka deegaanka ayaa diiwaan galiyay mugga ganacsiga 24-ka saac $ 715.13 milyan, taasoo ka dhigan hoos u dhac 23.35%. In kastoo tirakoobyadan, iyo calaamadaha ugu sarreeya ee TRON ay sii wadaan inay muujiyaan dhaqdhaqaaqyo qiimo kala duwan ah.
TRON (TRX) ayaa hada lagu kala iibsadaa $ 0.2334. Wuxuuna kor ukacay 0.65% saacadii ugu dambeysay, halka hoos u dhac 2.73% ah 24 saacadood ee la soo dhaafey laga arkayey, inkastoo hadane koror 2.28% ah usbuucii la soo dhaafay uu jiro. TRX wuxuu haystaa raasumaal suuq ah oo $ 20.09 bilyan, ah oo leh waxana ka ganacsigiisa maalin laha ah la isku dhax dhaafsadaa $ 511.43 milyan waxana suuga guud ka yaal ku dhawaad 86.09 bilyan oo koynan ah.
BitTorrent (BTT) oo ah matale ku dhisan ayaa isna maraya qiimihiisa manta, $0.0008822, lagana arkayo isbadal 0.67% saacadii la soo dhaafay, koror 1.02% ah 24 saacadood, iyo koror toddobaadle ah oo gaaraya 2.68%. BTT waxaa kujirta lacag gaareysa guud ahanteeda manta $ 869.92 milyan iyo mugga ganacsiga maalinlaha ah oo $ 17.73 milyan, wuxuuna tiro ahan ka koobanayahaay matalahan 986.06 tiriliyan oo wareegaya gudaha suuqa.
Nidaamka suuqa SunPump wuxuu muujinayaa astaamo koritaan, iyadoo wadarta guud ee lacagta suuqa ay gaareyso $ 48.80 milyan, taasoo ka tarjumeysa koror ah 3.64%. Si kastaba ha noqotee, mugga ganacsiga ayaa hoos u dhacay 8.03% 24-kii saac ee la soo dhaafay, isagoo ka degay $ 27.55 milyan.
SUNDOG (SUNDOG) matalaha ah ayaa hogaamineya suuqa SunPump, oo qiimihiisu yahay $ 0.03622. Waxay diiwaan laga arkayaa koror saacadle ah oo gaaraya ilaa 4.08% koror halka 9.76% ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyo 13.20% koror toddobo maalmood gudahood ah. Saamiga suuqiisa wuxuu gaarayaa $ 36.12 milyan, oo leh mug ganacsi oo ah $ 24.51 milyan iyo tiradaha guud ee wareegaysa ayana ah 997.42 milyan SUNDOG.
Waxaana ku xiga Tron Bull (BULL), oo ah matale kale hada qiimihisu marayo $ 0.005153, gana arkayo kororo yar 0.19% laakiin hoos u dhacay 4.45% ah 24 saacadood iyo hoos u dhac toddobaadle ah oo gaaraya ilaa 13.31%. Saamiga suuqiisuna waa $ 4.89 milyan waxana malintii la isku dhax dhaafsadaa lacag gareysa $ 341,799 iyo 950.27 milyan oo matalaay ah oo wareegaya.
SUNCAT (SUNCAT) waa matale kale lana kala siisto xiligan $ 0.001739, waxana laga arkayaa kor u kaca yar 0.68% saacadii la soo dhaafay, ilaa 1.24% 24 saacadood, iyo kororo ah 8.91% toddoba maalmood. Wuxuuna haysaa raasamaal suuq ah oo ah $ 1.73 milyan, oo leh mug ganacsi oo ah $ 1.61 milyan iyo 1 bilyan matalaay ah oo wareegaya.
Comments (No)