Inka Badan 30 Shirkadood Oo Ay Ugu Wayn Tahay Jimciyada Quruuma Ka Dhaxeysa Oo Isticmaalaya Cardano..

Marka uu dhamaado wajiga hore ee cardano iyo udub dhigiisa, waxaa jidka ku soo jira in kabadan, 30 hay’adood oo is ticmalaya barnaamijka loogu magac daray Prism.

 

Dhanka kale shirkada IOHK iyo jimciyada quramaha ka dhaxeysa, ee UN’ka, ayaa siwada jir ah uga shaqeynaya sidii ay barnaamijka Catalyst ugu saacidi lahayeen, shirkadaha doonaya in ay ka shaqeeyan hor’umarka dhaqaalaha wadamada soo koraya.

 

Xog baahinta bilaha ah, ee lagu soo bandhigo waxyaabaha u qabsoomay cardano dhinaca hor ‘umarka ah, ayey ku shegeen, Tim Harrison and Aparna Jue, warbixino kala duwan, iyo wareysiyo kala duwan, oo qaar ka tirsan shirkada IOHK, la yesheen, In cardano hada la ficil gali karo barnaamijka loogu magac darey, Atala, iyo la shaqeynta Prism, oo ah barnaamij qabta shaqsiyada aan la kala lahayn, iyo dabagalka iyo xaqiijinta xoga dhaxmara, Atala, mustaqbalka.

“waxan dhab ahantii, wadada ku soo jira in kabadan 30meeyo, shirkado ah, oo doonaya la ficil galka Prism,  waxaana hor’umariyayaasheenu xooga saarayaan, mudnanta shirkadahaas waxana bil ama labo bil, gudahood idinla soo wadaageynaa, baahinta xogahaas oo dhameystiran, dhanka kale waxan ka shaqeyneynaa qaab dowladedka loogu magac daray Georgian oo isna meel wanaagsan maraya ”

 

Sidoo kale Marlowe, oo ah heshiiska fuded oo dadku wax isk udhaafsan karayaan, ayaa maraya meel tijaabo ah, oo hor’umariyaasha iyo isticmaalayaashu  la ficil gali karaan, dhamaadka bisha October waxana intaa sii dheer, in dadka yaqaan luuqada javaScript. Ay si fudud ula ficil gali karayaan, Marlowe, waa luuqad cusub oo heshiis yada dhaqaale ka dhigeysa, heshiisyo fudud, oo lagu diwaan galinkaraayo blockchainka, waxana loo naqshadeeyay qaab dhaqaalyanahada caadiga ah, ula ficil gali karaan, heshiisyada dhaqaale ee calamka.

 

Dhanka kale shirkada IOHK ayaa barteeda twitterka ku soo baahisay, in iyaga iyo jimciyada qurumaha ka dhaxeysa, barnaamijka loogu magacdaray “Project Catalyst” uu noqon doono mid ay ku saacidi doonan shirkadaha bilowga ah, ee doonaya in dhaqaalo kobcin ka qeyb qataan, gaar ahan wadamada soo koraya, ayaay sheegeen, barnaamijkan ayana leh qaab dowladed, bulshadu ugu codeyneyso barnaamijkii ay doonan, oo bulshada anfac uleh isla markaana istiaahila in dhaqaale lagu taageero, Iyadoo wax walbana ay ku Diiwan galayaan, gudaha blockchainka,

 wana arin aad u wanaagsan dhamaan bulshada rer cardano iyo dhamaan barnaamijyo badana oon isleeyahay wax wayn ayey dunida ku soo kordhinayaan.

Maxay kula tahay  aragtidada noo reeb mahadsanid

Comments (No)

Leave a Reply