Waxaa Soo Kor Dhaya Isticmaalka Bitcoin Wadama Ka Hooseya Saxaraha

Qarada afrika ayaa laga dareemaya sara u kac xoogan oo ah isticmaalka bitcoin, lacagaha la isku dhax dhaaf sado, asbuucan ayey kor u dhaafay qaaradu $13milyan oo dolar, wana markii ugu horeysay oo wadamadan la isku dhaho, Sub-Saharan Afrika, lacag intaa la eg bitcoin u dhigma la is dhaafsado

 

Sida ka muuqata xog ay baahisay shirkada UsefulTulips.org, Sub-Saharan Afrika wadamadan la isku dhaho ayaa hada ah wadamada labaad ee dunida waxa loo yaqaan isdhaafsida sarifka labada qof sida tooska ah bitcoin isu dhaafsada, waxana la isdhaafsaday lacag gaareysa $13milyan oo dolarka, mareykanka ah, tani waxay muujineysaa sida hada qarada afrika ula qabsaneyso isticmaalka bitcoin, oo marba marka ka danbeysa soo kobcaya.

bitcoin afrika

xogta UsefulTulips.org

Isdhaaf siga, tooska ah, ee bitcoin qarada hada, waxaa hogaaminaya wadamada ugu dhaqalaha wayn qarada, sida nigeria oo lacag gareysa ilaa $8.6,milyan oo dolar, u dhigma bitcoin la isku dhaafsaday, waxana isticmaalka bitcoin gudaha wadanka Nigeria uu kor usoo kacay ilaa 14.6% asbuucii la soo dhafay, south afrika  waxaa la is dhaafsaday lacag gareysa ilaa $1.8,milyan, u dhigma bitcoin halka  Kenya la isdhaafsaday lacag gareysa $1.625, milyan, u dhigma bitcoin

 

Qarada ayaa hada waxaa ka jira olole dhinaca barashada lacagahan dhijitaalka ah, sida bitcoin, waxan jiro goobo dad is xilqaamay, dadka kubaran sida bitcoin ushaqeeyo, iyo sida loo isticmaalo, magaalooyinka Nairobi, Johannesburg, iyo lagos, halka bahda soomaaliyeed ku xiran kiribto somali tvna ay jiraan cashiro lacag la aan ka oo qofka uu ku baran karo sida lacagahan kiribto ushaqeeyan iyo teknolojiyadan blockchainka

Qarada afrika waxaa ka jira melaha qaar adeegyada lacaga mobile’ka ah, taas oo dadka u fududeyneysa fahamka sida bitcoin dhijitaal ahantiisa u shaqeeyo  

Maxay kula tahay  aragtidada noo reeb mahadsanid

Comments (No)

Leave a Reply